Booliska Israa’iil oo toogasho ku dilay haweenay 72 jir ah oo Falastiiniyad ah

Waxa dunida yaab ku noqotay toogasho ay shalay Jimcihii askarta Yuhuuddu u gaysteen haweenay 72-jir ah oo Falastiiniyad ah wakhti la sheegay in ay shidaal kaga shubanaysay kaalin ku taalla Daanta Galbeed ee xoogga ee Falastiiniyiinta ee xoogga lagu haysto.

Haweenaydan oo magaceeda la yidhaa Thawarat Ashrawi ayaa booliska Israa’iil ku doodeen in ay u gaadhigeeda u soo dhaqaajisay meel ay taagnaayeen ciidamo Israa’iiliyiin ah oo marka hore shakisnaa iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay socotay tooriyeyn ay Falastiiniyiintu u gaysanayaan ciidanka Israa’iil.

Isla jimcihii shalay wiil 22-jir ay ayay toogdeen ciidanka Israa’iil goor uu ka qayb-qaadanayey mudarahaad lagaga hor tagayey askar Yuhuud ah oo soo gashay xaafado ay Falastiiniyiintu ku xooggan yihiin.

Laga soo bilaabo 1-dii October Yuhuudda la deegaameeyey iyo ciidanka Israa’iil waxay dileen 76 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan dad aan hubaysnay oo dariiq marayey, kuwo mudaharaadayey iyo kuwa lagu sheegay in ay weerraro gaysteen. Xaga Yuhuuddana waxa laga dilay 10 qof.

Rabshadaha ayaa sii xoogaysanaya mana jiraan astaamo muujinaya in rabshaduhu ay hoos u dhici doonaa.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com