Booliska Jaad ayaa amar ku bixiyey in la xidho qofkii lagu arko isaga oo xidhan niqaam

Booliska Jaad ayaa sheegay inay xidhayaan qofkii la arko isaga oo xidhan niqaam, maalin ka dib markii kooxda Boko Xaraam ay qarax ismiidaamin ah ku dileen 15 qof, tiro gaadhaysa  80 qofna ku dhaawaceen.

Weerarkan ayaa ka dhacay suuq weyn oo ku yaala caasimadda N’Djamena ayey fulisay gabadh xidhan niqaam sidaasna waxa lagu sheegay warbixin hordhac ah oo ay booliska soo saareen.

Af-hayeenka booliska Jaad Paul Manga oo ka hadlayey xariyaad niqaamka ayaa yidh:

“Weerarkani wuxuu markhaati u noqonayaa sababta xayiraad niqaamka, sidaas daraadeed waa in imika wixii ka danbeeya la tix galiyaa, si loo dhowro amaanka dadweynaha”

Waxa kale oo u sheegay

“Qofkasta oo fulin waaya amarkan, wuxuu mutaysan doonaa xadhig, sharcigana waa la hor gaynayaa”

Muslimiinta tirada badan ee Jaad ayaa xayiraad lagaga soo rogay xidhashada niqaamka ka dib markii bishii hore Kooxda Boko Xaraam weerar ka gaysteen caasimada.

Xaalada ammaanka caasimada ayaa aad loo adkeeyey, ka dib markii boolis tiro badan lagu daadiyey kala-goysyada xaafadaha, suuqyada iyo Masaajidada

Weerarada Boko Xaaraam ayaa galaaftay nolosha 15,000 oo qof tan sannadkii 2009, halka tiro ka badan 1.5 milyam ay ku guryo beeleen.

Isbahaysiga afarta Waddan ee Nayjeeriya, Nayjar, Jaad Iyo Kamaruun ayaa lagu soo waramayaa in kooxda Boko Xaaraam ay ka qabsadeen magaalooyin iyo tuulooyin tan intii hawgal bilaabmay bishii Abril sannadkan.

bandhige@gmail.com