Booliska oo Hargeysa ku qabtay 70 xidhmo oo xashiishadda Marijuana ah

Taliyaha ciidanka booliksa Sarreeye Guuto Maxamed Fadal Iimaan oo goordhawayd Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in booliksa Somaliland ay gacanta ku dhigeen 70 xidhmo oo xashiishadda nooceeda loo yaqaan Marijuana ama Cannabis, taas oo ah maandooriye aad u ba’an oo dunidu dagaal kula jirto.

Sarreeye Guuto Fadal wuxu sheegay in markii ay qabteen bas nooca loo yaqaan Noah kadibna ay ka soo faqeen xashiishaddan oo ku qarsoonayd baskan oo sida laga shakisan yahay macaamiisha daroogatan qabatintay u qaybin jiray.

Mudane Fadal wuxu ku hanjabay in ay ciqaab adag marin doonaan ciddii bahashan dalka keentay iyo cid kasta oo xidhiid la leh. Dadweynaha Somaliland wuxu ugu baaqay in ay ka fogaadaan nooc kasta oo xashiishadda ka mid ah taas oo keeni karta fowdo iyo dhaqanno aan la mahadin doonin.

Bilayska Somaliland ayaa dedaal badan galiya la dagaallanka maandooriyeyaasha iyagoo marar badan oo bandhigay boqolaal quraaradood oo khamri ah oo ay qabteen isla markaana gubeen.

Bandhige@gmail.com