Boorama: Gurigii Taliyaha Qaybta Booliska oo dab la qabadsiiyey kadibna shuf-beelay

Mudaharaado rabshada wata ayaa saaka ka dhacay Boorama kadib markii uu hal qof shalay ku geeriyooday rabshado ka dhacay ciyaartii dhex maraysay xulalka gobollada Awdal iyo Maroodijeex oo ku qabsoontay garoonka Xaaji Daahir Cilmi ee Boorama.

Sida uu ku soo waramayo weriyaha Bandhige ee Boorama, dhallinyaro gadoodsan ayaa abaartay gurigii Taliyaha Qaybta Booliska Kornayl Arraweelo, kadibna dadkii ku jiray ayay u sheegeen in ay dibada uga baxaan waxaanay qabadsiiyeen dab taayiro wata, taas oo keentay in guriga iyo alaabtii dhex taallay ay dhakhso u shuf-beelaan.

Dabka ayaa sii kordhay kadibna wuxu gaadhay gurigii ku dhajisnaa Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Awdal, kaaso oo qayb ahaan gubtay.

Ciidamo boolis ah iyo kooxaha dabka la dagaalama oo dabdemisyo wata ayaa markii dambe u gurmaday kadibna ku guulaystay in ay dabka joojiyaan.

Warar aanaan weli xaqiijin ayaa sheegaya in la xidhxidhay dhallinyaro dhawr ah oo loo malaynayo in ay yihiin kuwii hor kacayey markii guriga la gubayey.

Mudaharaad Boorama2

Mudaharaad Boorama3 Mudaharaadka Boorama

Wasiir-Xigeenka Amniga ee Arrimaha Gudaha Axmed Cadare oo maanta BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dhacdadani ahayd mid dabiici ah isla markaana ay xukuumad ahaan ka xun yihiin. Cadare waxa kale oo uu sheegay in sababta ay ciidanka boolisku u adeegsadeen rasaasta dhabta ah ee ay u adeegsan waayeen rasaasta dadka kaga ilmaysiisa ay tahay in wixii ay gacanta ku hayeen ay adeegsandeen, taas oo loo fasiran karo in booliska Somaliland aanay haysan sunta mudaharaadayaasha kaga ilmaysiisa.

Saddex maalmood uun ka hor ayay ahayd markii rabshado kuwan oo kale ahi ay garoonka ka dhaceen, kadibna rasaas ay boolisku fureen uu wiil dhallinyaro ahi ku geeriyooday.

Warkan waxa soo tebiyey kooxda Bandhige ee Boorama. Wixii warkan ka soo kordha kala soco Bandhige.

Bandhige@gmail.com