Boorama: Weerar lagu qaaday guriga Gudoomiyaha Awdal oo ay ku dhinteen laba askari

Boorama oo haatan ka socdaan tartanka ciyaarraha Gobollada wareegisa koowaad gaar ahaan Gobollada Galbeedka Somaliland ayaa waxa xalay ka dhacay weerar lagu qaaday guriga Badhasaabka Gobolka Awdal ee uu ka degan yahay Boorama.

Weerarkan ayaa waxa ku naf waafayey laba askari oo ka tirsan ilaalada Badhasaabka, sidoo kalena waxa ku dhaawacay laba askari oo kale.

Wali kama uu hadal dhacdadan Badhasaabka Gobolka Awdal, balse waxay wararka hordhaca ahi sheegayaan in dhacdan loo xidhay odayaal dhaqameedyo iyo ganacsato.

Dadka loo xidh xidhay dhacdan ayaa wax aka mid ah Guddoomiye-xigeenka shirkadda Telesom oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamuud (Aw Gaab), Suldaan Faarax Nuur (Gaagaale) duqii hore ee Boorama Sulaymaan Xasan Xaddi, ganacsade lagu magacaabo  Idiris Aadan Xasan, ganacsade kale lagu naaynayso Dumaal, koox hogaamiye dhaqameed ah.

Dhammaan dadkan loo xidhay dhacdadan ayaa waxay ka isku reer ka soo wadda jeedaan Suldaan Wabar oo kooxdiisii dhowr jeer oo hore weeraro ka gaysteen Gobolka Awdal.

bandhige@gmai.com