Boqorka Sucuudiga oo ballan-qaaday baadhitaanno degdeg ah oo lagu samaynayo masiibadii xajka

Boqorka Sucuudi Carabiya Salmaan bin Cabdicasiis Al-Sucuud ayaa sheegay in Sucuudi Carabiya ay bilaabayso baadhitaano degdeg ah oo lagu samaynayo waxa sababay in ay 719 xaaji ku geeriyoodaan 863 qofna ku dhaawacmaan maalintii Ciid-Al-Adxada iyagoo gudanaya xajkoodii.

Masiibadan ayaa ka argagixisay dunida muslimka iyadoo beryihii u dambeeyey uu xajku ahaa meel ammaan ah oo aan cidina ku geeriyoon hase ahaatee bishan aynu ku jirno gudaheedii ayaa wiish soo dhacay wuxuu sidoo kale dilay in ka badan boqol xaaji.

Baadhitaankan waxa gadh-wadeen ka noqon doona guddoomiyaha guddida xajka Maxamed Bin Nayef wixii ka soo baxana waxa uu u gudbinayaa boqor Salmaan si uu ugu go’aan qaato.

Xukuumadda Eeraan ayaa shaacisay in ugu yaraan 131 xaaji ay kaga geeriyoodeen masiibadan, waxayna Sucuudi Carabiya ku eedaysay in uu tamar u waayey uu ku ilaaliyo nabadgalyada xujaajta.

Dhinaca Soomaalida, ilaa hadda waxa la xaqiijiyey 7 qof oo dhimasho ah iyo 1 qof oo dhaawac ah.

Bandhige kala socda hadba wixii ka soo kordha arrinkan.

Bandhige@gmail.com