Bulshada rayidka ahi waxay ku baaqaysaa in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafkii muddo-kordhinta (War-saxaafadeed)

Kulamo ay isugu yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka ah oo ku qabsoomay xarunta Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee SONSAF laga soo bilaabo 14-kii – 17-ka May, 2015-ka, ayaa waxaa lagaga arrinsaday xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, muddo kordhintii Guurtiddu samaysay iyo argtiyaha kala duwan ee ay ka bixiyeen daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland sida Axsaabta Siyaasada, Bulshada Caalamka, Bulshada Rayidka ah iyo dhamaan bulshaweynta reer Somaliland. Hadaba Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay dhiiri gelinayaan wadahadalkii xukuumaddu ku baaqday, mucaaradkuna aqbaleen, kaas oo aanu u aragno in uu yahay dariiq lagaga gudbi karo is-marin waaga siyaasadeed.

Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay dood dheer ka yeesheen dhamaan waxyaabaha khuseeya habsami u socodka doorashooyinka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi dhiiri geliya dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka. Bulshada Rayidka ahi waxay hore u qaaday talaabooyin dhaxal-gal ah oo ku wajahan sidii dalka ay uga dhici lahaayeen doorashooyin Xor iyo  Xalaal ah.

Hadaba iyadoo taas laga duulayo, waxay Ururada Bulshada Rayidka ahi qoraalo rasmiya oo nuxurkoodu yahay casharadii laga bartay doorashooyinkii hore ee ka qabsoomay Somaliland iyo talabixino ku saabsan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan doorashooyinka soo socda, waxaanay u kala direen dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka laga soo bilaabo Taariikhdu markay ahayd April 08, 2014, September 16, 2014, January 14, 2015 iyo May 07, 2015. Waxay Ururada Bulshada Rayidha ahi door weyn ka qaateen kala saarista diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha iyo diiwaan gelinta madaniga ah.

Si ay u qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxay Ururada Bulshada Rayidka ahi soo jeedinayaan talobixinno ku wajahan dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland, kuwaas oo kala ah:-

Ta koobaad: Ururada Buslhada Rayidka ahi waxay ugu baaqayaan Axsaabta Siyaasada iyo Xukuumada in khilaafka ka dhashay muddo kordhintidii Guurtiddu samaysay lagu dhameeyo wadahadal, isu tanaasul iyo in markasta danta koobaad laga dhigo waxa Qaranka dantiisu ku jirto oo waafaqsan  hanaanka, xeerarka iyo shuruucda dalka u taala.

Ta labaad: Ururada bulshada Rayidka ahi waxay diyaar u yihiin in ay dhex dhexaadiyaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda si loo gaadho Is-fahan wadajira ah, kaas oo caado u ahaa Somaliland muddadii ay soo jirtay.

Ta saddexaad: Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay taageersan yihiin wadahadalka ay ku baaqday xukuumaddu ee qorshaysan 20-ka May, kaas oo ay ku kulmi doonaan Axsaabta Siyaasada iyo Xukuumaduba, waxaanay Ururada Bulshada Rayidka ahi diyaar u yihiin in ay ka caawiyaan wixii farsamo ah inta uu socdo wadahadalku.

.

Ta Afraad: Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay soo dhaweynayaan caawimada Beesha Caalamka ka siiso Somaliland xagga Horumarka iyo doorashooyinkaba, waxaanu ka codsanaynaa  in ay sii wadaan taageerida ay siiyaan Somaliland. Anaga oo tixgalinayna Talooyinka Bulshada Caalamka waxaanu ku boorinaynaa inay fursad siiyaan wadahadalada muddaysan 20 ka May.

Gebogabo: Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland in khilaaf kasta oo yimaada loo maro hab is-qancin ah  iyo dhawrista xeerarka dalka u yaala, iyadoo maslaxada guud ee umadda markasta la ilaalinayo, lagana horumarinayo danaha iyo af-kaaraha siyaasadeed ee lagu kala duwan yahay, layskuna ixitiraamo awoodaha dastuuriga ah.

 

Allaa Mahad Leh

__________________

Aamina Faarax Caarshe

Gudoomiye ku-xigeenka SONSAF