Burkiina Faaso: Ciidamadii inqilaabka sameeyey oo aqbalay in ay xukunka dib u celiyaan

Ururka ECOWAS oo dhexdhexaadin ka waday ciidamada inqilaabka sameeyey iyo dawladii rayidka ahayd ee xukumaysay Burkiina Faaso ayaa shaaciyey in xal ka gaadheen oo maamulkii lagu soo celinayo maamulkii ku meel gaadhka ahaa.

Dhawaaqan ayaa yimid ka dib markii ay maalmo ka socdeen Burkiina Faaso mudaharaado isdaba joog ahi, sidoo kale Midowga Afrika ayaa cuna qabatayn ku soo rogay Burkiina Faaso, iyadoo dunidduna cambaarays afganbiga milateri eek a dhacay dalkaas.

Madaxweynaha Beniin Boni Yayi oo hoggaaminayey dhexdhexaadinta ayaa sheegay in ciidamadii ka danbeeyey afganbigii ka dhacay Burkiina Faaso ka aqbaleen in ay xukunkii ku celiyaan dawladii ku meel gaadhka ahayd.

Heshiiskan ayaa waxa ka mid ah in xukunka lagu soo celiyo Madaxweynihii Ku meel gaadhka ahaa isla markaana doorasho lagu qabto todobaad gudihii. Inkastoo doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ay qorshaysnaayeen in ay ka dhacaan 11-ka bisha soo socota.

Madaxweynihii hore ayey xidheen laba maalmood ciidamada afgambiga sameeyey, ka dibna ay sii daayeen Jimcihii.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay dibad-baxyo rabshado wata oo dadweyne gadoodsane ka sameeyeen caasimada Ouagadougou oo ay kaga soo horjeedeen afgambiga milatari ee ciidamaddu kula wareegeen talada dalka.

Halkan hoose ka akhriso wararkii hore ee Bandhige ka qoray afgambiga Burkiina Faaso:

Madaxweynihii la inqilaabay ee Burkiina Faaso oo la sii daayay

Ciidamo inqilaab milateri kula wareegay talada dalka Burkiina Faaso

 

bandhige@gmail.com