Burkiina Faaso: Madaxweynihii la afgambiyey oo xukunkii dib loogu wareejiyey

Madaxweynihii Burkiina Faaso ee ku-meel-gaadhka ee ahaa Michel Kafando ayaa dib ula wareegay awooda xukunka ka dib markii ciidamadii inqilaabka sameeyey ay ogolaadeen in ay dib ugu celiyaan xukunka maamulkii ku meel gaadhka ahaa.

Michel Kafando oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in uu xukunkii ku soo noqday ka markii heshiis laga gaadhay afgambigii dhacay, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waan ku soo noqday xukunka ka dib markii xal laga gaadhay afgambigii dhacay, dawladaydii ku meel gaadhka ahaydna waxay soo noqotay, haddan waxay maamulaysaa qaranka.”

Heshiiska ayey xubnaha ilaalada madaxtooyadda ee afgambiga ka dambeeyay aqbaleen in ay ku laabtaan fadhiisimahooda, halka ay ciidamaduna ka baxayaan 50 kiilomitir magaalada xarunta ah ee Ouagadougou.

Dhinaca kale ururka ECOWAS ayaa dhexdhexaadin xoog leh ka galay arrimaha Burkiina Faaso, taasi markii danbena ay hoggaamiyayaasha Afrika qaar ka mid ahi yimaadeen Burkiina Faaso si ay ula socdaan xil wareejinta xukunka ee Madaxweyne Michel Kafando oo ay hore ciidamaddu afgambiyeen.

Halkan hoose ka akhriso wararkii hore ee Bandhige ka qoray afgambiga Burkiina Faaso:

Ururka Dhaqaalaha Galbeedka Afrika ECOWAS oo ka shiraya qalalaasaha Burkiina Faaso

Burkiina Faaso: Ciidamadii inqilaabka sameeyey oo aqbalay in ay xukunka dib u celiyaan

Madaxweynihii la inqilaabay ee Burkiina Faaso oo la sii daayay

Ciidamo inqilaab milateri kula wareegay talada dalka Burkiina Faaso

bandhige@gmail.com