Burundi: 34 qof oo meydkooda laga helay jidadka Bujumbura

Tiro meydad ah oo gaadhaysa soddon iyo afar qof ayaa laga helay meydkood jidadka Bujumbura oo iyagoo dhammaantoodba ay ka muuqatay toogasho rasaas ah.

Tirada meydadkan ayaa waxa laga helay 21 qof degmadda Nyakabiga, halka 13-ka kalena laga helay xaafadda Musaga ee Bujumbura.

Dadka ku naf waayey qalalaasaha Burundi ayaa waxay gaadhayaan 250 qof tan iyo markii uu qalalaasuhu ka bilaabmay Burundi, qalalaasahaas oo salka ku hayey markii uu Madaxweyne Peirre Nkurunziza uu ku dhawaaqay in uu mar saddexaad u tartamo xilka madaxtinimada Burundi.

Sidoo kale waxay dawladdu sheegtay in JImcihii rag hubaysan oo la aqoonsan haybtooda ay weerar ku qaadeen xero ciidan.

Beesha caalamka ayaa walaac badan ka muujisay xaalada Burundi oo qarka u in uu dagaal weyni ka qarxo, xaalada ammaanka Bujumbura ayaa ah mid qasan ka dib markii qalalaasuhu ka bilaabmay.

bandhige@gmail.com