Burundi: Qaramada Midoobay oo ciidamo nabad-ilaalin u diraysa

Qaraar cambaareyn ah oo ay soo saareen Qaramad Midoobay ayaa lagu cambaareeyey rabshadaha ka socda Burundi, sidoo kalena waxa uu qaraar waddada u jeexayaan sidii loo gayn lahaa ciidamo nabad-ilaalin ah.

Qulquladaha Burundi ayaa bilaabmay ilaa markii uu Madaxweynaha Burundi Nkurunziza uu ku dhawaaqay in uu mar saddexaad sharaxan yahay. Intii la doortay kadibna rabshaddaasi waa sii xoogaysay waxana laga soo bilaabo wakhtigaas ku naf -waayey boqolaal qof kuwaas oo sababay in Burundi laga joojiyo xubinimada Midowga Afrika.

Ciidamada heeganka Bariga Afrika ee marka loo baahdo loo diro meelaha colaaduhu ka qarxaan ayaa waxa ay codsi ka heleen Midowga Afrika kaas oo ah in ay isku diyaariyaan in la geeyo Burundi haddii ay xaaladdu sii xumaato, balse ciidamo nabad-ilaalin ee loo dirayo waxa  go’aan kama dambaysa ah ka gaadhi kara Qaramada Midoobay.

bandhige@gmail.com