Burundi waxa ka socda codayntii goor la maqlayo qaraxyo iyo xabbado

Madaxweyne Nkrunziza Afrika iyo adduunkaba dhegaha ayuu ka furaystay waxana maanta Burundi loo dareeray doorasho lagu muransan yahay oo la filayo in isaga dib loogu soo doorto maadaama aanu jirin musharax la tartamayaa.

Mucaaridka iyo ururrada bulshada ayaa doorashadan hore u qaadacay iyagoo ku macneeyey in aanay suurtogal ahayn in doorashadani noqoto mid xal ah oo xalaal ah. Sidoo kale waxay musharaxnimada Nkrunziza ku fasireen mid dastuurka ka soo horjeedda.

Ugu yaraan saddex qof oo uu ku jiro sarkaal boolis ah iyo sarkaal mucaaradka ka tirsan ayaa hadda la soo werinayaa in ay geeriyoodeen iyadoo rabshadaha iyo doorashooyinku ay weli is barbar socdaan.

Ku dhawaad 4 milyan oo qof ayaa la filayaa in ay maanta codkooda dhiibtaan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada oo dhan ugu baaqay in ay ka fogaadaan rabshadaha iyo xasilooni-darrada inta doorashooyinku socdaan.

Rabshadaha lagaga soo horjeedo Nkrunziza waxay soo bilaabmeen April, ilaa iyo haddana waxa ku naf waayey 100 qof. Sidoo kale waxa ku bara-kacay in ka badan 150,000.

Waxa walaac badan laga qabaa in doorashadani ay Burundi u horseeddo in ay cagaha la gasho dagaal sokeeye.

bandhige@gmail.com