Buug laga qoray Aabihii Waxbarashada oo xaflad ka dhacday Jaamacadda Admas lagu daah-furay

Xaflada lagu xusayo aabihii waxbarashada Somaliland Maxamuud Axmed Cali ayaa ka dhacday Jaamacadaha Admas, waxana wadajir u soo qabanqaabiyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Admas.

Ujeeddooyinka munaasibadda loo qabtay waxa kale oo ka mid ahaa in la soo bandhigo taariikh-nololeedkii Maxamuud Axmed Cali iyo in la daahfuro  buug laga qoray taariikh-nololeedkii Maxamuud Axmed Cali kaas oo uu qoray Ibraahim Maxamuud Yuusuf.

Marti-sharaftii munaasibadda ka qayb g alay waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Caddaani, Wasiir-Xigeenka Waxbarashada Rashiid Ismaaciil Kaahin, maamulka iyo ardayda Admas iyo marti-sharaf kale.

Cirro iyo Caddaani
Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan CIrro iyo Wasiiru-Dawlaha Maaliyadda oo ka qaybqaadanaha xafladda daahfurka buugga

Dhammaan masuuliyiintaas oo xafladda ka hadlay waxa ay iska daba mareen dhaxalkii lagala hadhay  Aabihii Aqoonta Soomaaliyeed iyo saamaynta uu ku yeeshay nolosha jiilalkii isaga ka dambeeyey.

Sidoo kale waxay xuseen in ay muhiim tahay in mar kasta la xurmeeyo oo al ilaaliyo dadka aqoonta iyo sharafta ku leh ummaddan dhexdeeda.

bandhige@gmail.com