Buugga “Somali History” ee uu qoray Dr. Maxamed-Rashid Sheekh Xasan ayaa lagu gardaadiyey Hargeysa

Xaflad la isku arkay oo xalay Maansoor Huteel lagu qabtay ayaa lagu daah-furay buugga af-Ingiriisiga ku qoran ee “Somali History: 1960-1991” oo uu qoray Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan.

Bandhigga buuggan waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Cali Salaad Jirde “Shoombe”, Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Xoghayaha Warfaafinta Waddani Boobe Yuusuf Ducaale, Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Qaranka Axmed Mixile Boqore, Agaasimaha SONYO Siciid Maxamed Axmed iyo marti-sharaf kale oo qiimo badan.  Madaxdaas oo dhammaantood goobta hadal ka jeediyey waxay muujiyeen qiimaha uu buuggani leeyahay. Waxa iyaguna goobta hadalo kooban ka jeediyey Agaasimaha Sagaljet Cabdi Yuusuf Aar iyo Mustafe Maxamed Khayre oo farsamo ahaan wada-jir uga shaqeeyey sidii uu buuggani ifka ugu soo bixi lahaa.

Buugga Maxamed-Rashiid2

Waxa iyaguna ka qayb-galay dadweyne tiro badan oo isugu jira dhallinyaro, haween, ganacsato, waayeel iyo qaybaha kale ee bulshada.

Qaybo ka mid ah buugga oo goobtaas lagu soo bandhigay waxa soo koobay Agaasimaha Y-PEER Cabdicasiis Xirsi Warsame isla markaana ka tirsan Golaha Sare ee SONYO iyo Ridwaan Maxamed Ibraahim oo ah Agaasimaha IRADA.

In ka badan 300 oo nuqul oo buugga ka mid ah ayaa isla goobtii lagu iibsaday iyadoo inta ugu badan ay iibsadeen wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah iyo ganacsato uu ka mid yahay dukaanka wayn ee Daarasalaam.

Bandhige@gmail.com