Buuhoodle tallo Qaran uma baahnee, waxa tallo u baahan jagada Guddoomiye-xigeenka Gollaha Wakiilada

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo baryahan safar Shaqo ku joogaan Buuhoodle, ayaa ka warbixiyey socdaalkiisa, sidoo kalena beeniyey hadalo uga yimid Gudoomiye-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax.

Wasiirka oo ka hadlaaya u jeedada socdaalkiisa ayaa waxa u yidhi:

“Sidaad ka warqabtaan baryahanba waxaan joogay Buuhoodle oo u jeedada socdaalkayguna waxay ahayd in aan ka hor tago kooxo nabad-diid ahaa oo doonaayay inay Buuhoodle ay ku qabsadaan shir, shirkaas oo ay rabaan inay ku wiiqaan nabad-gelyada Somaliland iyo Buuhoodle ee muddada yare e labbada sanno iyo badhka ah ee ay Somaliland joogtay nabad-gelyo iyo horumarka ku talaabsatay.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Allena waa igu guuleeyey inaan ka saaro Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisii, laakiin wali may fogaan oo meel Balacad la yidhaahdo ayay ula guureen shirkoodii, Somalilandna u dulqaadan mayso cid kasta oo rabta inay wax u dhinto nabad-gelyada.”

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadku waxa uu cambaareyn u soo jeediyey Dawladda Soomaaliya waxaanu yidhi:

“Wuxuu ka soo duulay Xamar, waana nasiiib darro in dawladda Soomaaliya oo uu wadda-hadal inaga dhexeeyo ay isku daydo inay nabada Somaliland carqaladayso, waanan cambaaraynayaa dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyaha ka yahay Xasan Sheekh.”

Mar uu Wasiirku ka hadlaayay diyaaradii hubka keentay Buuhoodle iyo waliba garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle ayaa sheegay inuu garoonkaasi halis ku yahay Somaliland, isla markaana ay ka soo degaan cid kasta oo Somaliland hargar-daamo la doonaysa. Waxaanu yidhi:

“Garoon ayaa meesha ku yaala, garoonkaasi maamul ma leh, raadaal ma leh, waxaanu halis ku yahay nabada iyo horumarka Somaliland. Wixii diyaaradaasi siday waxa uu ula guuray magaaladda Balacad, sida ay noo sheegeen sirdoonka Somaliland, laakiin waanu ognahay damaciisa ah inuu Somaliland qas ka abuuro.”

Mar wax laga waydiiyey Wasiirka Wasaaradda Caafimadka, sida uu u arko shaqsiyada Cali Khaliif Galaydh. Waxaanu ku jawaabay sidan:

“Anigu Cali khaliif waxaan u arkaa, awr ban ka qooq ah, waana awr aan geel haysan oo iska qooqay oo kale, waxaanu doonayaa inuu Dhul-bahante ka dhigto salaan meel sare lagu gaadho.”

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka jawaabay hadalo uga soo yeedhay Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Gollaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax hadaladaasi oo ahaa in aanu Wasiirka Caafimaadku waxba ka qaban karin, rabshadaha iyo olalaha colaadeed ee uu Cali Khaliif Galaydh ka waddo Buuhoodle, waxaanu yidhi wasiirku:

Runtii waan dhageystay Guddoomiye-xigeenka koowaad ee baarlamaanka oo ka hadlaaya safarkayga aan ku yimid Buuhoodle,Waxaan halkan ku yimid tallo qaran iyo amar Madaxweyne, anigu reer Buuhoodle ayaan ahay, waanay kala duwan tahay markaan anigu shaqsiyan u yimaado iyo marka aan uu Madaxweynuhu ii diro, Buuhoodle-na waa Somaliland waxaan filayaa inaad la socotay sidii sharafta lahayd ee la iigu soo dhaweeyey Buuhoodle maalintii aan tagay,Buuhoodle tallo qaran uma baahna ee waxaa tallo qaran u baahana, ee jagada Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Gollaha Wakiilada ayaa u baahan tallo qaran in laga yeesho, waan ka xumahay in uu beeniyo hadalkii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, waan ka xumahay in uu u hadlo sidii nin ah Gudoomiye-xigeenka Gollaha baarlamaanka Soomaaliya, waanan ka xumahay in uu difaaco Cali Khaliif Galaydh iyo Kooxdiisa.”

Buuhoodle waxaanu joogaa inaan dadka wacyi-galiyo oo aan la tasho, reer buuhoodle-na way ka go’an tahay inay nabad-gelyo hirgaliso, dadkuna waxay diyaar u yihiin midnimo iyo horumar.

Waxa baryan danbe soo badanay hadalada ay siyaasiyiinka ka soo jeeda Gobolka Sool ay isku marinayeen warbaahinta kala duwan oo isku dhaleecanayaan.

bandhige@gmail.com