Cabdillaahi-Jawaan iyo Cismaan-Hindi waxay dhalliileen Madasha Wada-tashiga iyo mucaaridka

Cabdillaahi Xaaji Cumar “Jawaan” oo xubin ka ahaa Komishankii Doorshooyinka ee hore iyo Cismaan Cabdillaahi Cigaal “Hindi” oo ka tirsanaa golihii fulinta ee UDUB, ayaa Arbacadii waraysi gaar ah siiyeen telefishanka Horn Cable TV, waxayna aad u dhalliileen isbahaysiga mucaaridka oo ay ku tilmaameen in ay hubsiimo la’aan xukuumadda dhalleeceeyeen, kadib markii warqad Wikileaks laga soo saaray lagu eedeeyey xukuumadda, taas oo dhigaysay in Somaliland federaal la qaadatay Soomaaliya.

Cabdillaahi-Jawaan wuxu sheegay in Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar uu beeniyey jiritaanka warkaas, sidaas daraadeedna haddii aan caddayn loo hayn.

“Wax laga yaabo in uu cadowgaagu qoray haddii aad iska qaadato oo aad qaranka ku dhaawacdaan waa khalad. Qolada la baxday Wada-Tashiga iyo mucaaridka waxan leeyahay yooyootanka ka baxa oo dalka ha loo tudho.”

Cabdillaahi-Jawaan wuxu sheegay in ay waajib tahay in qof kastaa difaaco wixii qaranimada Somaliland dhib ku keenaya.

Cismaan-Hindi ayaa isna sheegay in uu jeclaan lahaa in uu arko caddayn mucaaridku u hayaan arrintan ay xukuumadda ku eedeeyeen in ay ku kacday khayaamo-qaran.

“Haddii aad caddaymo hasaan (mucaaradkow) waxanu idin leenahay “haat burhaanak”, haddii kale iska daaya sidii carruurta in aad kolba tidhaahdaan Wikileaks ayaa wax qortay” ayuu yidhi Cismaan.

Dhalliilaha mucaaridku soo jeediyey ayaa Cabdillaahi iyo Cismaan-ba waxa ku sifeeyeen qaar loo maray dariiq khaldan.

Warqad dhawaan laga soo saaray mareegta siraha runta ah fidisa ee Wikileaks ayaa laga soo saaray warqad laga diray safaaradda Sucuudiga ee Jabuuti loona diray isla xukuumadda Sucuudiga. Warqaddaas waxa ku dhignaa in Somaliland, Puntland iyo dawladda Soomaaliya ay isla waafaqeen nidaamka federaalka. Hase ahaatee warqaddu ma soo bandhigayso caddaymo muujinaya jiritaanka heshiiska sida saxeexyo rasmi ah ama cidda labada dhinac go’aannada u jartay.

Mucaaridka Somaliland ayaa ka faa’iidaystay warqaddan oo duufaano siyaasadeed ku kiciyey xukuumadda hadda jirta, taas oo sababtay in ay ka jawaabaan Wasiir Xirsi, Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee hore, Af-hayeenka Madaxtooyada, Guddoomiyaha Kulmiye iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee hadda Maxamed Biixi Yoonis.

Hoos ka daawo waraysiga Horn Cable TV: