Cabdirashiid Xasan-Mataan wuu iska casilay murashaxnimadii UCID

Warar hadda na soo gaadhay ayaa tibaaxaya in Cabdirashiid Xasan Mataan oo ahaa murashaxa madaxweyne-xigeenka UCID uu is casilay.

Sida wararku nagu soo gaadhayaan Cabdirashiid is-casilaaddiisa wuxu ku sababeeyey in ay Jamaal Cali Xuseen ku kala aragti duwanaadeen arrimo badan oo xisbiga ah wuxuna Jamaal iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey in ay ka gaabiyeen hawlihii xisbiga.

Hase ahaatee dad badan ayaa aaminsan in sababta iscasilaaddiisa ee dhabta ahi aanay weli caddayn. Waxa la filayaa in uu sharaxaad intan ka badan ka bixiyo sababta kaliftay in uu hankiisii ka tanaasulo sanno kadib markii uu murashaxa noqday iyadoo ay hadda soo dhawaatay doorashadii madaxweynenimada ee Somaliland.

Waxa baryahan dambe la hadal-hayey in xisbiga UCID murashaxiintiisu ay halis ku jiraan iyadoo ay xisbiga quudaraynayeen murashaxiintii ku guul-daraystay in ay Kulmiye iska sharaxaan iyo wasiirradii dhawaanta is-casilay.

Arrimaha ku xeeran is-casilaadda Cabdirashiid ee la isla dhex marayaa waa ay kala duwan yihiin. Dadka qaar ayaa aaminsan in dhaqaalihii kaga baxay intii uu UCID ku jiray loo celiyey ballan-qaadyo kalena loo sameeyey sidaas daraadeedna ay u badan tahay in ay qanciyeen kooxda rabta in uu UCID iska sharaxo.

Dad kale waxa ay aaminsan yihiin in laga yaabo in Wasiir Abgaal lagu beddelo oo uu jago wasiirnimo uu xukuumadda ka helo, taas oo xisbiga Kulmiye u sahli doonta in ay gacan ku yeeshaan cidda iska soo sharaxi doonta xisbigaas.

Si kastoo ay tahayba, is-casilaadda Cabdirashiid ayaa la filayaa in ay wax ka beddesho siyaasadda xisbiyada ee la xidhiidha gobolka Awdal. Sidoo kale waxa la aaminsan yahay in is-casilaadda Cabdirashiid ay gilgili doonto Jamaal Cali Xuseen oo beryahanba ku hanjabayey in uu guddoomiyaha UCID maxkamadda la tiigsan doono haddii uu isku dayo in uu murashaxnimadiisa su’aal dul dhigo.

Bandhige@gmail.com