“Cabdiraxmaan Guul-Wade, Iyo Rag Kaleba Waxay Mudan Yihiin In Maxkamad, La Saaro, Sida Loo Saaray Kuwa Ka Horeeyey”

“Dawladda Somaliya Ilaa Ay Aqoonsato Dawladnimadeena Maaha Inaynu Wada Hadal Dambe La Furno”

Prof: Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, oo ka mid ah Madasha Wada-tashiga, isla markaana ka mid ah Mujaahidiintii SNM, ee dalka u soo halgamay, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Cabdiraxmaan Guul-wade, oo ka tirsanaa Dawladdii Siyaad Barre, waxaanu sheegay inuu yahay dambiile, mudan in la saaro Maxkamad,

Prof: Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ugu horeyn yidhi “Cabdiraxmaan Guul-wade, iyo Rag kaleba waxay mudan yihiin in Maxkamad, la saaro, sida loo saaray kuwa ka horeeyey, Cabdiraxmaan Guul-wadde, waa dambiile mudan in Maxkamad la saaro dal kasta oo uu joogana Shacabkaygu kaga hadhi mayaan, ee Cabdiraxmaan Guul-wade dambiga uu galay waa in Maxkamad loo saara, Sharcigeeda Diinta Islaamka iyo Sharciga bila’aadanku sameeysteenba, Dawladdii Siyaad Barre xasuuqa ay dadkayaga xasuuqday ma ogola,mana baynaynayaan, markaas Cabdiraxmaan Guul-wade dambigii ayuu isku sii caddeeyey”.

Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Inagu markii aynu qaadanay xoriyada, inagoo ahayn maxmiyad ingiriis, waxaynu raadinaynay shan dal oo Somalida ah, inaga ayaa xoriyada ka hor qaadanay Somaliya, kadib markii aynu isku biirnay, wixii inaga gaadhay, xasuuqii dadkeena la xasuuqay, iyo cadaadiskii la ina cadaadinayey, waxay horseed ka noqdeen inaynu galno halgan dheer, oo uu ILLAAHAY inagu guulayey, oo aynu dib ugula soonoqonay xoriyadii aynu iska luminay, sidaas darteed Dawladda Somaliya ilaa ay aqoonsato dawladnimadeena maaha inaynu wada hadal dambe la furno, ee marka hore waa inay qirtaa inaynu nahay dal la siman, oo walbia xoriyada kaga horeeyey.

Xigasho: Geeska Afrika