Cabsida Covid_19 Wax Ma Ka Beddeli kartaa Wakhtigii La Qaadi Jiray Imtixaannaadka Dugsiga Dalka?

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadh-weyne) ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyey inay wax iska beddeleen Wakhtigii la qaadi jiray Imtixaanaadka Qaranka, maaddaama oo Cabsida Xanuunka Covid_19 awgeed loo fasaxay Ardayda.

Daa’uud Axmed Faarax wuxuu sheegay in Qorshahoodu ahaa in Imtixaanaadka Dugsiga Dalka la qaado badhtamaha bisha June, balse illaa hadda aan Qaran ahaan go’aan laga gaadhin in dib loo dhigayo Imtixaanaadka dugsiga Dalka iyo in kale.

Guddoomiye Gadh-weyne oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxay ahayd in imtixaanka la qaado Bisha June dhexdeeda, laakiin waatan amuur Ilaahay timid (Covid_19), amuurtaasi inay wax ka beddeli iyo in kale weli go’aan lagama gaadhin, laakiin ugu dambaynta waxa go’aan ka soo saari doona Wasiirka Waxbarashada, Guddiga ka hor-tagga Covid_19, Golaha Wasiirrada iyo Madaxweynaha, Imtixaankii in wakhtigiisii la qaadi, in la joojin, in dib loo dhigi, Go’aankaa Qaranka ayaynu ka sugaynaa, laakiin annaga Xafiis Imtixaanaad ahaan Jadwalkayagu waa halkiisii.”

Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax ayaa sidaa u sheegay Telefiishanka Sahan oo Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay.