Calanka Falastiin oo laga hor taagay xarunta Qaramada Midoobay

Calankii Falastiiniyiinta ayaa markaa ugu horeysay laga taagay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, waxaana arrintaasi soo dhaweeyey dadweynaha reer Falastiin iyo hoggaamiye-yaashooda iyaga oo ku tilmaamay inay tahay taalaabo hor leh oo ay hore u qaadeen.

Dadweyne aad u faro badan ayaa isugu soo baxay meelo kala gedisan oo ka tirsan dhulka falastiiniyiinta, kuwaasi oo sameynaayay dabaal-degyo iyo isu-soobax, ka dib markii ay maqleen in calankoodii laga taagay xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York.

Qaramada midoobay ayaa horaantii bishan ku ogolaatay Gole loo dhan yahay in calanka falastiiniyiinta laga taago xarumaha Qaramada Midoobay, in kasta oo dalka Falastiin aanu xubin ka ahayn Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas oo ka hadlaayey kulanka Qaramada Midoobay ee loo dhan yahay, ayaa waxa uu ka sheegay in aanay mar dambe falstiiniyiintu u xayirnaan doonin heshiisyo la la gallo Israa’iil,

Sidoo kale waxa uu Maxamuud Cabaas waxa uu ku eedeeyey Israa’iil in ay sii waddo ku tumashada heshiiskii Oslo lagu kala sexeeday sannadkii 1993-kii,

Waxaanu caalamka ugu baaqay in la dhawro lana ilaaliyo danaha falastiiniyiinta.

bandhige@gmail.com