Calanka Maraykanka waxa 54 sanno kadib laga qotominayaa Kuuba

John Kerry ayaa maanta u socdaalaya magaalada Havana ee xarunta u ah dalka Kuuba si uu dib ugu furo safaaraddii Maraykanku ku lahaa Kuuba oo la xidhay sannadkii uu dhashay Madaxweyneha Maraykanka ee hadda Barack Obama 1961kii, kadib markii ay Maraykanka iyo Kuuba si xun isugu dhaceen.

Wakhtigaas isku-dhacu yimid waxa Kuuba madaxweyne ka ahaa Fidel Castro oo ay walaalo yihiin Madaxweynaha hadda Raul Castro.

Fidel Castrol wuxu xilka ka degay 2006-dii kadib markii uu dalkaas maamulayey 47 sanno. Xil-ka-degistiisa waxa sabab u ahaa xaalad caafimaad oo la soo deristay.

John Kerry safarkiisa maanta waxa ku weheliya saddexdii askari ee maalintii Maraykanku xidhayey safaaradda Maraykanka ee Havana calanka hoos u dejiyey. Isla saddexdii askari oo haatan hawl-gab ah ayaa calanka maanta dib u saari doona, taas oo noqon doonta dhacdo taariikhi ah.

Fidel Castro ayaa shalay warbaahinta dunida dhex mariyey hadallo u muuqda in aanu raali ka ahayn waxa socda. Wuxu sheegay in Kuuba ay Maraykanka xaq ugu leedahay malaayiin Doollar oo mag-dhaw ah oo ka dhashay cumo-qabatayntii dhaqaale ee Maraykanku dalkan ku hayey 54 sanno.

Xidhiidhka Maraykan iyo Kuuba ayaa beryahan soo wanaagsanaayey iyadoo ay sannadkan kulmeen Raul Castro iyo Barack Obama isla markaana bishii ina dhaaftay dib loo furay safaaraddii Kuuba ee Maraykanka.

Dhacdadan maanta ayaa waxay soo gebogebayn doontaa 54 sanno oo go’doon ah oo dadweynaha reer Kuuba ku jireen iyo Maraykanka oo dalkan uu jaarka yahay Ruushku uga faro dhuudhuubnaa muddadaas.

Bandhige kala soco hadba wixii ka soo kordha dhacdadan xiisaha leh.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com