Cali Khaliif oo ka guureeyey Buuhoodle

Hoggaamiyaha maleeshiyada Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa subaxnimadii saaka goor ku beegan 4 aroornimo ka baxay Buuhoodle.

Cali Khaliif Galaydh oo madax u ah Kooxda Khaatumo oo mar isku dayday in dawlad-goboleed ka yagleelaan ayaa safarkan aan la shaacin kaga tagay Buuhoodle sida aanu wararka ku helaynana wuxu ku sii jeedaa deegaanka Bali-cad amba baxay magaalada halkaas oo la sheegayo in uu ka fikirayo in ay fadhiisin u noqoto maadaama kadib markii loo diiday Buuhoodle.

Taliyaha Ciidanka Somaliland ayaa hore u sheegay in ay hoggaanka Khaatumo ku beegsan doonaan meel kasta oo Somaliland gudaheeda ah oo uu isku dayo in uu saldhig ka samaysto.

Cali Khaliif Galaydh intii uu ku sugnaa gudaha Magaalada Buuhoodle waxa uu kulamo qarsoodi ah oo gooni gooni ah la yeeshay odayaal ka mid ah beelaha deegaanka Buuhoodle, isaga oo waliba ula kulmay  booqday jilib-jilib, kuwaas oo uu taageero ka raadinayey.

Hase ahaatee Cali Khaliif uma ay suurtogelin in sidii Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Xaglo-toosiye, kala hadlo meel fagaare ah.

Bandhige@gmail.com