Cali Khaliif wuxu ka hadlay guddida uu u dirayo wada-hadallada Somaliland, waxaanu ka soo horjeestay shirka ay xukuumaddu la galayso wax-garadka gobollada Sool iyo Sanaag Bari

 

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa markale ka hadlay wada-hadalka la filayo in uu dhawaan u bilaambo Somaliland iyo maamulkiisa, waxaanu tilmaamay in ay ka go’an tahay sidii wada-hadalkaas ay uga soo bixi lahaayeen wax shacabka ay dani ugu jirto.

Cali Khaliif waxa uu sidoo kale markii ugu horraysay ka hadlay cidda maamulkiisu u qorsheeyey in ay wada-hadalladaas u metelaan, isagoo ku adkaystay in ay golahaas u diri doonaan cid ay aad ugu kalsoon yihiin, waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya:

“Hawshu waa qaybsan tahay oo annakaa arrintaas xaq u leh, dadka aanu u magacaabaynaana waxa ay noqon doonaan qaar xukuumadda ka tirsan, qaar Baarlamaanka ka tirsan iyo qaar guddida wada-xaajoodka ka tirsan ayey noqonayaan, waxaana ay noqonayaan dad lagu ogyahay in ay qaddiyadda aaminsan yihiin oo ina meteli kara ayey noqon doonaan.”

Khaliif waxa uu kasoo horjeestay shirka xukuumadda Somaliland shaacisay in uu dhammaadkan bishan October ee aynu ku jirno ka furmi doono magaalada Burco, kaas oo u dhexeeya xukuumadda iyo waxgaradka gobollada Sool iyo Sanaag-bari, waxaana uu sheegay haddii shirkaasi dhaco in ay meesha ka bixi doonaan wada-hadallada maamulka Khaatumo qorshaynayo in uu Somaliland la galo, waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya:

“Shirka Burco ka dhacaya madaxweynaha Somaliland, ayaa hore ugu dhawaaqay, midna waan idiin sheegayaaye shirkaas Burco iyo midka Khaatumo iyo Somaliland ma wada dhici doonaan oo mid baa meesha ka bixi doona, haddii ay Somaliland door biddo in midka ay nala yeelanayaan meesha ka baxo oo uu ka Burco dhaco iyagaa ikhtiyaar u leh, laakiin shirka Burco ma oggolin, mana ogin faa’iido uu iyaga laftooda u keenayo.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata Cali Khaliif Galaydh, waxa uu si dadban markale u sheegay in ciddii maamulkiisa katirsan ee Somaliland xil ka qabanaysay goor horeba qabatay:

Somaliland ciddii mansab ka rabtay hore ayey u tageen oo way joogaan, laakiin umadda Khaatumo waxa ay ku qancaysaa in dad ahaan iyaga oo isku dhan waxa ay xaqa u leeyihiin inay helaan.”

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com