Carwadda siddeedaad ee buugaagta caalamiga ee Hargeysa oo beri ka furmi doonta Hudheel Guuleed

Carwadda buugaagta caalamiga ee Hargeysa oo ah bandhigii siddeedaad oo sannad kasta lagu qabto Hargeysa ayaa beri 1da Oogos ka furmi doona Hudheelka Guuleed.

Carwadda buugaagta ayaa lagu soo bandhigaa buugaag kala duwan, khudbado, gabayo iyo suugaan kale.

Carwadda caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa ayaa sannadihii u dambeeyey ay ka soo qayb gali jireen qoraayo caalami oo kala yimaada dunidda. Waxaana lagu soo bandhigi jirey buugaag aad u tira badan oo isugu jira kuwo ku qoran af Soomaali, iyo luuqadaha Ingiriisiga iyo Carabiga, kuwaas oo ku dherernaa mawaadiic xeel fog iyo ujeeddooyin sal ballaadhan, sida, buugaag ah, suugaan, taariikh, falsafada iyo dareenno la xidhiidha xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee dunidda soo maray.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Red sea Online oo soo qaban qaabisa carwadda sannadka waxa ku marti dalka Nayjeeriya oo dal balaadhaan oo hor-u-mar balaadhan ka gaadhay dhinaca qoraalka, suugaanta iyo wax-akhriska.

Carwadda ayaa fursad u siiyo akhtistayaasha in heleen buugaaga kala duwan iyo inay la socdaan barnaamijyada ka socd wakhtiga ay carwaddu socoto.

Carwadda ayaa bilaabmaysa 1 Oogos socon doonta ilaa 6 Oogos.

Halkan hoose ka Daawo fariinta Guddoomiyaha Carwadda Buugaagta Caalamig ee Hargeysa.

 

bandhige@gmail.com