Carwada siddeedaad ee caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo si rasmi ah loo furay

Xaflad ballaadhan oo lagu daahfurayey Carwada Siddeedaada ee Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannad walba soo qaban-qaabisa todobaadka akhriska iyo qoraalka ayaa lagu qabtay Hudheel Guuleed ee Hargeysa,

Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa ayaa lagu casuumay qorayaal heer caalami ah iyo kuwa dalka u dhashay, gabayaa, sawir qaadayaal, fanaaniin. jilayaal iyo naadiyada dhaqanka.

Sannadkan carwada lagu casuumay qoraa oo caalami ah, 5 madbacadood oo ay ka mid ahi yihiin kuwa dalka, 4 Jaamacaddood iyo 6 Naadi Akhris oo Gobaladda kala yimid kuwaas oo la fiilayo inay madashada ka hawlgalaan muddada 6-da maalmood ah ee bandhiggu socdo.

Furitaankii xaflalada daah-furka Carwada waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Barlamaanka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismail Cirro, Wasiirka Qorshaynta Dr Sacad Cali Shire, Agaasimayaal iyo masuuliyiin kale.

Waxa ugu horeyn ka xaflada daah-furka Carwada Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire waxa uu ka waramay muhiimada ay sannadka leedahay Carwadu loon baahanay inay ka faa’iisano fursadaha akhris ee inoo soo bandhigaan.

Sidoo kale Dr Sacad waxa uu carabka ku dhuftay inay carwada Bandhiga Buugaagtu sanadkan ka sii xiiso badan yihiin sannadihii ka horeeyey maadaama ay ka soo qaybgaleen waddamo faro badan oo aan ahayn kuwii hore uga soo qayb gali jiray sida dalka Nayjeeriya oo ah dalka ugu dadka badan Qaaradda Afrika.

Sidoo kale waxaa ka hadashay Adna Aadan Ismaaciil waxay sheegtay inay munaasibadani soo dhaweyn gaara iyo qadarinba siinayso marti sharafta ka socota dalka Nayjeeriya iyo guud ahaanba ka soo qayb galayaashaba.

Dhanka kale waxaa madashaaasi laga soo saaray shir-saxaafadeed ka soo baxay Midawga Yurub ee Hargeysa kaas oo lagu sheegay sidan:

“Maanta seeska Hiddaha iyo Dhaqan ee Redsea, muusuliyiinta dawladda iyo Ururada ayaa si wada jira isaga kaashaday Bandhigga Buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa oo sanadkii 8-aad ka furmay  Hargeysa, kaas oo  taageero wax ku ool ah ka helay Midawga Yurub islamarkaana loo aqoonsaday Bandhigg Buugaagta, farshaxanka, suugaanta iyo dhaqanka ee ugu weyn Bariga AfriKa.”

Waxa kale oo shir-saxaafadeedku ku daray intaas:

“Soomaalidu waxay leedahay dhaqan u gaar ah,hodan ah soo jireen ah gaar ahaann gabayada oo ilaa hadda door muhiim ah  ka ciyaara xidhiidhka gofeed iyo kuwa bulshada ee ka dhexeeya bulshada, sidaas daraadeed Midawga Yurub waxa uu ku faraxsan yahay  in uu taageero kana dhexmuuqdo bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa”

Todobaadka akhriska iyo qoraalka ayey sannad walba lagu qabtaa Hargeysa taas oo dhallinyaro badan ku dhiiri gelisa akhriska iyo qoraalka.

Carwada ayaa waxay socon doonaa 1 Oogos socon doonta ilaa 6 Oogos.