Carwadii ganacsiga oo habsami u socota, waxay isku keentay ganacsata dalal dhawr ah

Carwo ganacsi oo ah tii 7aad ayaa laga furay Hargeysa. Waxa xadhiga ka jaray Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim.

Carwada oo gashay maalintii labaad waxa ka qayb galay shariikadaha ugu waaweyn dalka, kuwa dhexe iyo ganacsato heer hoose ah.

Sidoo kale carwadu waxay soo jiitay ganacsatada waddamo aynu jaar nahay, sida Itoobiya iyo Jabuuri.

Carwada ayaa la qorsheeyey in ay socoto ilaa 7-da November 2015 waxana la filayaa in muddadaas ganacsatada lagaga iibsato alaab badan. Sidoo kale waxa la filayaa in dadweyne tiro badani ay qiimo jaban ku helaan alaab markii hore qaali ku ahayd.

Carwada ganacsiga Somaliland sannadkiiba mar ayaa la qabtaa, waxana loogu talo galay in lagu dhiirigeliyo ganacsiga iyo wax-soo-saarka dalka isla markaana kor loogu qaado isu-socodka ganacsiga ee Somaliland dhexdeeda iyo waddamada jaarka.

Soo arag oo yey kaa xidhmin carwadani.

Bandhige@gmail.com