Casharo wacyigelin ah oo ku saabsan-ka- hortagga dabka, Casharka Labaad

 

Waxaa iyena jira qalabyo kale oo qalabyadaas aanu soo sheegney ka barbar shaqeeya oo iyegu amar ka qaata labadaas qalab ee hore halkaas oo iyegu shaqadoodu tahay iney dabka la diriraan oo ay sii daayaan kolba demiye loogu tala galey meeshaas noocu khatartiisa tahay oo afka qalaad loogu yaqaano (Automatic Instalations) oo ukala qaybsama laba qaybood loona yaqaano (Drenchers iyo Sprinklers) waxaaney kala yihiin sidan:

Qalabka drenchers ka loo yaqaano waa qalab loogu tala galey marku amar uka helo qalabka loo yaqaano (Fire Panel) ka oo ah maskaxda ka wada dhaxeysa qalabyada dab la dirirka ah ee dhismahaas ku rakiban ayaa waxaa u sii daaya biyo sida roobka ah oo dhismaha gudihiisa ah oo isla markaasba dabku inta u yaryahay ee u heeraabka yahay la dirira oo bartiisi dabka ku demiya.

Asagana qalabka kale ee loo yaqaano drenchers ka isna waa qalab ku shaqeeya amar uka helo Fire panel ka oo ku shaqeeya biyo sida roobka ugu shubma dhismaha dibediisa shaqadiisuna tahay inuu dhismaha uka qaboojiyo kana difaaco kulka kaga imanaaya dhismaha u dhow ee gubanaaya falaadhihiisa kulka afka qalaad loogu yaqaano (Heat Radiation).

Markii qiimeyn iyo badhitaano fara badan lagu semeeyey farsamada aynu soo sheegney wexey aad u yareeyeen khasaarihii faraha badnaa ee dabku u geysan jirey dadka, hantida iyo dhimeyaashaba, waxaana iyeguna digniin degdeg ah heley oo fursad u siisey iney dabka kaga nabad galaan haddii ay dad dhax hurdaan ammaseba ayku noolyihiin dhismahaas.

Waxaa iyena war helis degeg ah ka heley ciidamada dabdemiska soona gaadha dabku inta u yaryahay halistiisuna aanu weli waxyeelo u geysanin dad iyo duunyo ba.

Markii dhibaatooyinkii dabku u fara batey ayey ciidamada dabka la dirira meel walba u galeen sidii ay uga adkaan lahaayeen una soo saari lahaayeen waxyaabo sahla ogaanshaha dabka, qiiqa, holoca iyo wax alaaliyo wixii dhibaato geysan lahaaba sidii loo maareyn lahaa.
Dabku wuxuu leeyahay awood la mid ah awoodaha iyo khiyaamooyinka cadow yada kale leeyihiin, wuxuu leeyahay maraka la deminaayo gaadmo, weerer, weerer celis, dhuumasho oo uku hoos dhuunto meelo aanla arkeynin iyo meelo aan laga filanaynin oo uku huro kuna shidmo, waxaana loo baahanyahay marka dabka la deminaayo in aad loo hubsado inaanu dabkaasu dib dambeysa aanu usoo noolaan doonin oo afka qalaad loogu yaqaano (Re-ignition).

Waxaa hadaba loo baahanyahay in qalabkaas baadheyaasha iyo Digeyaashaba in lagu rakibo meelaha hanti fara badani ay yaaliin, dad fara badani ku noolyihiin ammaseba ka shaqeeyaan sida hudheelada, sinimooyinka, cusbitaalada, xafiisyada, bakhaarada guryaha la seexdo, bangiyada iwm……. LA SOCO QAYBTA SADDEXAAD. 

Halkan hoose ka akhri casharkii koowaad:

Casharo wacyigelin ah oo ku saabsan-ka- hortagga dabka, Casharka 1aad

Diyaariye : Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye Guuto: Axmed Maxamed Xasan

Madaxa Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweyanaha

Ciidanka Dab-demiska JSL
Cabdiwahaab Cismaan Jaamac ( Tooxyare)

Hargeysa/Somaliland