Ciidamada Afqaanistaan oo la wareegay gacan ku haynta magaalada Kunduz

Magaalada Kunduz oo ay ciidamada Daalibaan kala wareegeen ciidamada dawlada ka dib weerar xoogan oo ay ku qaadeen laba cisho ka hor, ayaa waxa maanta dawladdu ku dhawaaqday in dib ugala wareegtay gacan ku hayn Kunduz.

Dagaal adaga oo ku dhexmaray ciidamada dawlada iyo Daalibaan ayaa waxa xalay ay ku soo noqotay Kunduz gacanta dawladda.

Wararka laga helayo kunduz ayaa sheegaya in khasaare weyni soo gaadhay kooxda Daalibaan ee weerarkan soo qaaday.

Wararka ilaa hada la hayo waa warar kasoo baxay dhinaca dawlada balse wax wari kama soo bixin dhinaca kooxda Daalibaan.

Kooxda Daalibaan oo xukunka Afqaanistaan laga tuuray 14 sanno ka hor ayaa waxay magaaladani ka mid ahayd magaalooyinka waa weyn ee qabsadeen markii xukunka laga tuuray.

Dhinaca Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa walaac weyn ka muujiyey in ururka Daacish ay soo kordhayaan taageerayaashiisa Afqaanistaan, taasi oo laga baqo qabo in Daalibaan la midowdo ururka Daacish ee ka jira waddamada Ciraaq iyo Suuriya.

bandhige@gmail.com