Ciidamada dawaladda Suuriya waxay qarka u saaran yihiin in ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada Xalab

Ciidamada dawladda Suuriya ayaa qarka u saaran in ay ku guuleystaan la wareegidda gacan ku haynta magaalada Xalab, halkaasi oo ay fallaagadu kula dagaalamayeen muddo afar sanno ah.

Milatariga Suuriya ayaa qabsaday degmooyin badan oo ka tirsan bariga magaaladaasi oo fallaagadu ay maamulayeen, waxaana qaybaha yar ee soo haray ku socda duqeymo lixaad leh.

Dadka rayidka ah ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi dhibaato ku haysata.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa waxa ay baraha bulshadu kuwada xidhiidho soo dhigay farriimo dardaaran ah iyaga oo isu diyaarinayay in ay dhintaan.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegaysaa in dawladaha Ruushka iyo Suuriya ay khasab tahay in dhabarka loo saaro mas’uuliyadda gabood falyada halkaasi ka dhacay.

bandhige@gmail.com