Ciidamada Itoobiya oo dilay wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Seyoum Mesfin

Ciidamada Itoobiya ayaa maanta khaarajiyey Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda Seyoum Mesfin iyo saraakiil kale oo Tigray ah.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, ciidamada Itoobiya ayaa toogasho ku dilay Mesfin kadib markii uu diiday in uu is dhiibo.

Mesfin ayaa 19 sanno ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Itoobiya. Sidoo kale wuxu ahaa ergaygii qaabilsanaa wada-hadallada Koonfurta Suudaan.

Bandhige@gmail.com