Ciidamada Myanmar ayaa Axaddii maanta rasaas oodda kaga qaaday meel xabaal ah oo lagu aasayey mid ka mid ah 114kii qof ee isla ciidamada dalkaasi ay shalay ku dileen dalkaas iyagoo mudaharaadaya.
Iyadoo ay dunidu la yaaban tahay xaddiga khasaarihii shalay dhacay ayaa maantana ay ciidamada Myanmar dadka kale ku laayeen kuna dhaawaceen xabaal lagu aasayey qof ay hore u dileen.
12 taliye oo hoggaamiya ciidamada 12 dal ayaa cambaarayn huwiyey ciidamada Myanmar. Waxayna ficilkan ku tilmaameen mid aan la aqbali karin. “Ciidmada waxa loo sameeyaa in ay difaacaan dadkooda, laakiin maaha in ay laayaan dadkooda” ayay yidhaahdeen taliyeyaasha cambaaraynta jeediyey.
Beryahanba waxa ka socda Myanmar oo hore loo odhan jiray Burma rabshado u dhaceeya ciidamada afgembiga kula wareegay dalkaas iyo dadweynaha dalkaas oo ka gadooday. Xaaladuna in ay ka sii darto mooyee kama soo raynayso.
Bandhige@gmail.com