Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa deegaanka Horufadhi ka celiyeen wefti Wasiiro ah oo ka socday maamul goboleedka Puntland.
Weftigan ka socday maamulka Puntland ayaa waxaa ay doonayeen inay deegaanka Horufadhi kaga qaybgalaan heshiisiinta laba beelood oo ku dagaalamay halkaasi.
Waxaanay wararku sheegayaan in masuuliyiintii ka socaday maamulka Puntland iyo ciidamadii ay wateen ay ku ย noqdeen magaalada Buuhoodle.
Hase yeeshee Ciidamada Somaliland ayaa sheegay inay adkaynayaan Kaantaroolada Buuhoodle.
Sidoo kale, ciidamada qaranka Somaliland ayaa fariin digniin ah u diray maamul goboleedka Puntland.
Xigasho: Sawrac