Ciidammada Somaliland oo la wareegay Balli-Cad oo 70 kiiloomitir u jirta Buuhoodle

Balli-cad oo 70 kiiloo mitir ka xigta Buuhoodle dhinaca koonfur bari ayaa waxa maanta la wareegay ciidammada Somaliland.

Cali Khaliif Galaydh ayaa waxa uu maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaaladan balse Garaad Abshir Saalax ayaa u xaqiijiyey Idaacada BBC-da in ay isaga iyo Cali Khaliif ka baxeen magaalada kor intii aanay ciidanka Somaliland la wareegin.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa xaqiijiyey in ay ciidamada Somaliland u dhaqaaqeen dhinaca magaalada Balli-cad ka dib markii dawladda Soomaaliya u soo dirtay degaannadaa kooxo loogu talo galay in ay khalkhal geliyaan amniga Somaliland, sida uu Wasiirku hadalka u dhigay.

Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka fulinayso diwaan-gelinta codbixiyaha ayaa waxa uu bilaabay Cali Khaliif olole ka dhan ah Somaliland kaas oo uu soo bandhigay qaadashada kaadhka dawladda Federaalka Soomaliya oo xafiis ku leh Buuhoodle.

Dhawr jeer oo hore ayey ciidamada Somaliland weerareen deegaan uu ku sugnaa Cali Galaydh kana eryadeen iyadoo mararka qaar uu dirqi ku fakaday.

bandhige@gmail.com