Ciidamo inqilaab milateri kula wareegay talada dalka Burkiina Faaso

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Burkina Faaso ayaa inqilaab milateri kula wareegay talada dalka Burkiina Faaso.

Waxay maanta Ciidamada inqilaabka sameeyey sheegay in Janaral Gilber Diendere loo magacaabay hoggaamiyaha dawladda ku meel gaadhka.

Waxa la xidhay xuduudaha oo dhan, waxaanu lagu soo rogay Burkiina Faaso xaalada bandoo ah oo aaan wakhtiga ay dhammaanayso aan la sheegin.

Dhanka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa baaq u diray ciidamada milateriga in ay faro gelin ku sameeyaan xaalada waddanka si ay u joojiyaan ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ee inqilaabka ku riday dawlada.

Ciidamada Madaxtooyada ee inqilaabka riday ayaa xabo rasaas ah cirka u ganay iyo sidoo kale dad mudaharaadayey ku laayey magaalo madaxda Burkiina Faaso ee Ouagadougou.

 

bandhige@gmail.com