“Ciidamo Liyuu Police ah oo ku soo xad-gudbay Somaliland ayaa la qabtay, lana xidhay” Taliye Fooxle

 

Ku-xigeenka Taliyaha Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa shir-saxaafadeed uu maanta qabtay warbaahinta ugu sheegay in ay jiraan 8 askari oo nin kabtan ahi hoggaaminayo oo watay gaadhi Landcuriser ah ay si khaldan ugu soo gudbeen xadka Somaliland, kuwaas oo ciidamada Somaliland ay qabteen iyadoo aanay wax dhiig ahi ku daadan kadib markii xog lagu hawl-galay laga helay ciidanka Somaliland ee ku sugan xadka Faraweyne.

Taliye Fooxle ayaa sheegay in ciidankan oo ku dooday markii ay xadka ka soo gudbayeen in ay daba socdeen gaadhi ka soo baxsaday loo soo dhaadhiciyey Hargeysa laguna xidhay xarunta CID-da ka hor intii aan lagu sii dayn wada-xaajood ay galeen Safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland iyo madaxda xukuumadda Somaliland.

Ciidankii Liyuu Police-ka ahaa isla shalay ayaa la sii daayey loona sii galbiyey dhinaca magaalo-xuduudeedda Wajaale.

Taliye fooxle ayaa tibaaxay in aan loo  baahnayn in ciidamadu ay xadka u kala gudbnaan laakiin qolo kasta dambiileyaasha ka soo fakada dawladda ay u gudbeen ayaa u qaban doonta maadaama Itoobiya iyo Somaliland xidhiidh wanaagsani ka dhaxeeyo, dambiileyaashana ay is weydaarsadaan.

 

fooxle
Taliye Fooxle

Hoos ka daawo war-saxaafadeedka  Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo ka jawaabaya su’aalo laga weydiiyey ciidankan ku soo xad-gudbay xuduudda Somaliland.