Ciidanka Dab-demiska oo Damiyay Dab Qabsaday Meherad ku taalla Xaafada Jig-jiga Yar

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa maanta damiyay Dab qabsaday Meherad lagu iibiyo Roodhida iyo Macmacaanka oo ku taala Xaafada Jigjiga yare ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay dabkaa ka xakameeyaan kuna hakiyaan halkii uu ka bilaabmay oo ahayd goobta lagu kariyo cuntada.

Dabkan ayaan sababin khasaare dhimasho iyo dhaawac toona, waxaana ciidamada Dab-demisku badbaadiyeen hanti aad u badan oo dhex taallay meheradaas.

Hawlgalkan waxaa u soo gurmaday Ciidamada Dab-demiska ee Taliska guud iyo Saldhiga Ciidanka ee Degmada Ibraahim Koodbuur.

Sababta dabkan gubtay ayaa ilaa hadda gacanta lagu hayaa, sidoo kale Maamulka Degmada ayaa iyaguna dhankooda kala shaqeeyay ciidanka daminta dabkan. Meheradan waxaa lahaa Ajaaniib u dhalatay waddanka Yemen.

Hargeysa/Somaliland

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska

Somalilandfire.com

Somalilandfire@gmail.com