Ciidanka dab-demiska qaranka ayaa tabobar ku saabsan ka digtoonaata halista ka dhallan karta dabka u qabtay qaar ka mida ardayda wax ka barata dugsiga barashada caafimaadka ee Almis oo ku yaal caasimada Hargeysa.

Tababarkan ayaa ku saabsanaa habka loo isticmaalo damiyaasha yar-yar iyo sida looga hortago ama loo damiyo haamaha gaasta cusntada lagu karsado haddii uu dab-ka kaco.

Tababarkan ayaa waxaa ka soo qayb galay ardayda wax ka barista dugsiga barashada caafimaadka ee Almis, waxaanay ardaydu sheegeen in tabobarkaasi ahaa mid ay u baah-naayeen, maadaama oo ay ku barteen casharo la xidhiidha dabka iyo siyaabaha loo damiyo.

Ugu dambayn maamulka, iyo ardayda dugsigaas ayaa u mahadeceliyay saraakiishii ka socotay ciidanka dab-demiska qaranka ee bixinaysay tobarkaas.