Ciidanka dabdemiska Caasimada Hargeysa waxa la soo gaadhsiiyey dirayska dabka lagaga hortago

Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa waxay shalay lagu wareejiyey dirayska dabka lagaga hortago oo aanu dabku waxba ka tarin marka hawlgalada lagu jiro.

Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyay ayaa waxaa ka soo qaybgalay Maamulka Ciidanka Dabdamiska, Maayorka Caasimada Hargeysa, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo masuuliyiin kaleba.

Ugu horayn waxaa halkaa ha hadlay Agaasimaha Ciidanka Dabdemiska Caasimada Cabdiqaadir Cumar Xaashi oo ugu horeyn u mahad celiyey Duqa caasimada oo deeq daas soo gaadhsiiyay isagoo sheegay in duqa caasimadu markastaba ka shaqeeyo sidii ciidanka dabdemisku horumar u samayn lahaa,sidoo kale Agaasimaha fulintu wuxuu intaa ku daray in maanta laga bilaabo ciidanku hawlgalka ku gali doonaan dirayska dabka laga gashado ee aanay waxba ka tarin marka hawlgalada lagu jiro halka markii hore dabka ciidanku ku gali jiray oborkoodho aan dabka ka celin karayn.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa dhankiisa sheegay in dabdemisku dadaalaan waxaanu u mahadnaqay xukuumada iyo duqa caasimada magaalada hargeysa oo kaalin laxaad leh ka qaatay horusocodka ciidanka dabdemiska,taliye sawaaxili ayaa sidoo kale sheegay in waddankii uu ka yimi oo ahaa Emirateka qaybtiisa ciidanka dabdemisku ay shan sanno kadib heleen qalabkan maanta ciidanka dabdemisku ku helay sanno sanno wax ka yar.

Sidoo kale waxaa munaasibadaa ka halday Sudlaan Axmed Daahir Muuse oo sheegay in ciidanku marxalado adag soo maray isla markaana loo baahanyahay in halkaa maanta uu maraayo ka sii socdo,waxaana suldaanku uga mahadnaqay Duqa caasimda,Dawlada dhexe oo Sam Sam ugu horayso oo si dhaw ula shaqeeya dabdemiska.

Gudoomiye Ibraahim Koodbuur Mawliid kayse ayaa isaguna ku hadlayay afka Gudoomiyaayaasha Degoomiyinka Caasimada Hargeysa oo Degmada uu maamuulo dhawaan lagaga dhagax dhigayo xarunta Ciidanka Dabdemisku ku yeelanayo degmadaasi ayaa sheegay inuu aad u soo dhawaynayo dirayskan cusub ee la soo gaadhsiiyay ciidanku waxaanu sidoo kale sheegay in marlabaadena soo dhawaynayo xaruna laga dhagaxdhigayo degmada uu maamulo.

Cabdisamad Cumar Maal Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in qalab ahaan iyo ciidan ahaanba ay dhisanyihiin ciidanka dabdemisku balse ay u hadhay in loo sameeyo kaliya xeerkii ciidanka uu kaga hawlgali lahaa dhamaan gobolada dalka waxaanu sheegay inay ku hawlahan yihiin sidii loo hirgalin lahaa xeerka ciidanka dabdemiska qaranka.

Ugu dambayn Duqa Caasimada Hargeysa ayaa gudoonsiiyay qalabkaa casriga ciidamada dabdemiska waxaana uu sheegay in ciidanka Dabdemisku ay yihiin hal qoys mar walbana ay isku duubnaadaan iskuna aragtaan inaad umaddiina u adeegaysaan.

Xafiiska Xidhiihdka Dadweynaha Iyo Saxaafada Ee Dabdemsika.
Hargeysa/Somaliland.
Hargeisafire@gmail.com
Hargeisafire.com
Emergency call : 990 Telesom Iyo Somtel.