Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo lagu tabobarayo isgaadhsiinta casriga

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaaladda Iyo Difaaca Xeebaha Admiral Maxamed Xuseen Xiirane ayaa maanta tabobar ku saabsan habka ku shaqaynta isgaadhsiinta casriga ah u soo gabogabeeyay xubno ka tirsan Ciidanka Ilaaladda Xeebaha.

Tabobarkan oo qaybtii koowaad oo socday 15 maalmood waxa ka faa’iidaystay 10 xubnood oo Ciidanka Ilaallada Xeebaha ah kuwaas oo loogu talo galay in ay jawaab degdeg ah ka bixiyaan wixii xaalad ka soo korodha xeebaha Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ayaa warbaahinta u sheegay in tabobarkani wax weyn ka tari doono amniga xeebaha Somaliland isla markaana kor u qaadi doona wada-shaqaynta ciidanka dhexdooda ah.

Hoos ka daawo muuqaalka xafladdii xidhitaanka ee tabobarkan.