“Ciidanka Soomaaliya dhisanayso waxay rabtaa in ay u isticmaasho ku-xad-gudubka Somaliland” Warancadde

Wasiirka wasaaradda Arimaha gudaha ee JSL Md Cali Maxamed Warancadde ayaa ka digay dhismaha ciidanka cusub ee ay qorshaysatay dawlada dalka aynu jaarka anahay ee Somaliya.

Wasiirka oo u waramayey warfidiyeenada maanta markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxa uu sheegay inay beesha caalamka iyo dalalka deriska ku wargeliyeen in ciidamada ay Soomaaliya dhisanayso ee dhowaan lagu go’aamiyey shirkii ka dhacay magaalada Garoowe ay yihiin ciidamo ay Soomaaliya ku doonayso inay u isticmaasho xadgudub ay ku soo samayso qaranimada iyo dhulka Somaliland isla  markaana carqaladayso guud ahaan amniga gobolka Geeska Afrika.