Cilmi-baadhis cusub oo sheegtay in hilibka cas laga qaado kansar

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabi loo yaqaan WHO ayaa waxay soo saartay cilmi-baadhish cusub oo ay ku saabsan hilibka cas, cilmi-baadhistan ayaa sheegaysa in cunista hilibka cas iyo kan la warshadeeyo ay kordhin karaan khatarta cudurka kansarka.

Cilmi-baadhista ayaa sheegtay in hilibka la warshadeeyey uu yahay ka ugu khatarta badan oo ay kaalinta shanaad siiyeen waxyaabaha keena kansar.

Hilibka cas ayaa waxa uu kaga jiraa waxyaabaha keenay cudurka kansarka kaalinta labaad markaa aan la karin, inkastoo cunista hilibku aanay la khatar ahayn cabista sigaarka, hadana cilmi-baadhayaashani waxay ka dayriyeen cunista hilibka cas.

Sida ay sheegeen cilmi-baadhayaashan ka tirsan qaybta baadhista kansarka ee WHO cunista 50 giraam maalin walba oo hilib ahi waxay kordhisaa qaadista cudurka kansarka xiidmaha boqolkiiba 18.

Bulsho badan oo Soomaali ah ayaa waxay maalin kasta cunaan in ka badan 50 giraam oo hilibka xoolaha ah oo ku jira hilibka casm inkastoo baryahan dambe uu soo badanayey dadka uu ku dhaco cudurka kansarku.

bandhige@gmail.com