Ciqaab-Wadareed: Israa’iil ayaa go’doomintii u dambaysay kula kacday Marinka Qasa, waxay ka joojisay shidaalkii

Xukuumadda Israa’iil ayaa go’doomintii ugu dambaysay kula kacda Marinka Qasa. Waxay ka joojisay shidaalkii uga iman jiray iridda kali ah ee ganacsi ee u furnayd Qasa oo ahayd Kerem Shalom.

Irriddan waxa hore loo xidhay 9kii bishan, laakiin markii hore xukuumadda Yuhuuddu waxay oggolaatay in ashyaa’da aasaasiga ah sida shidaalka, dawooyinka iyo agabka nadaafaddu u gudbi karaan Qasa, maanta ayayse go’aankaas ka noqoto.

Israa’iil ayaa go’aankeedan ku fasirtay in ay ku ciqaabayso ururka Xamaas oo madaafiic ku soo riday. Xamaas ayaa iyaguna Israa’iil dhinacooda ku eedeeyey in ay galeen dambi dagaal.

Xafiiska sharciga ee Qaramada Midoobay ayaa isaguna tallaabada Israa’iil ku macneeyey “Ciqaab-Wadareed”.

Marinka Qasa oo cirka, badda iyo dhulkaba ka xidhan ayaa lagu naanaysaa in uu yahay xabsiga dusha ka furan ee dunida ugu weyn.

Il-Wadareed: Aljazeera