Cirro oo si adag uga jawaabay eedaymo Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyey

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa shir-saxaafadeed uu Hudheelka Ambasadoor si adag uga  jawaabay eedaymo uu u soo jeediyay Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo khuseeyay arrimaha dib u dhaca doorashooyinka iyo muddo kordhinta Golaha Guurtidu muddo xilloodkooda ugu kordhinta xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Siilaanyo iyo Golayaasha Wakiiladda iyo Guurtida.

Cirro ayaa sheegay inuu masuuliyada dib u dhaca doorashada uu iska leeyahay Madaxweyne Siilaanyo oo aanay cidi la wadaagin maadama oo uu yahay madaxweynihii waddanka, waxaaanu sheegay in dhawaaqa keliya ee laga sugayey Madaxweynaha uu ahaa inuu ku dhawaaqo xiliga uu doorashada dalka ka qabanayo.

Cirro oo ka hadlaya muddo kordhinta waxa uu yidhi:

“Horta saxaafadu way wada joogtay  oo kamaradahiina iyo rikoodhadiina waydun baadhi doontaan,  mar aan idhi kordhinta madaxwaynuhuna waa xaaraan kayguna waa xalaal, waxaan u malaynayaa in aan la soo helayn, madaxwaynuhu wuxu yidhibaa la-yidhi waddanka anaa ka masuula anaguna intaas uun baanu lahayn oo aan ku cel-celinaynay, madaxwayne waddanka adaa ka masuula, doorashadiisa adaa ka masuula, nabad-gelyadiisa adaa ka masuula, madaxweyne doorashadii qabbo, madaxwaynuhu ma sheegay wakhtiga uu doorashada qabanaayo.”

Guddoomiye Cirro ayaa madaxweyne Siilaanyo farta ugu fiiqay in loo baahanyahay in kuraasta loo baneeyo shacab oo jaanis la siiyo markooda ,isla markaana waxa uu Cirro sheegay in masuuliyadda doorashaddu ay saran tahay Madaxweyne Siilaanyo, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Wax waliba waxay leeyihiin wakhti, waxaan soo jeedinay wakhtigii doorashada inoo qabo, ummadda aan kuraasida u banyano, kayga iyo kiisaba xaqbay noogu leeyihiin, markaa arrintaa doorashada ku saabsana doorashada masuuliyadeedu madaxwaynaha ayay dusha ka saaran tahay, xeerkuna sidiisaba boqolkiiba sagaal iyo sagaashan waxay ka yimaadaan fulinta, xeer Golaha ah oo aan gacanta ku hayaana ma jiraan  goluhuna siday ku doodaan ama madaxwaynuhy ku doodo konton iyo afar mudane  ayuu taageersan haday ka dhabtahay in uu xeer la ansixiyo konton iyo  afartaa ayaa ku filan.”

Mar uu ka hadlay muranka siyaasiga ee ka taagan waddanka waxa uu yidhi:

“Muran baa ka jirtay dalka, muddo kordhin baa ka jirtay khilaafbay abuurtay, mushkilado badan baa jiray, Goboladda qaar xasilooni daraa ka jirtay, waxaan isleeyahay madaxwaynuhu maanta ka hor xaguu ku maqnaa,madaxwayne xagaad ku maqnayd?.”

Gebo gebadii Cirro ayaa farta ugu fiiqay Madaxweyne Siilaanyo in waxa keliya ee laga sugaa ay tahay Madaxweynaha in uu ku dhawaaqo xiliga doorashadda, isagoo arrintaas ka hadlay waxa uu yidhi:

“Wali wixii dadku kaa sugaayey kamaad jawaabin oo ah goorta aad doorashadii qabaynayso. isagu wuxu lahaabaa la yidhi Cabdiraxmaan Cirro,  laakiin anigu ku odhan maayo Siilaanyo ee waxaan ku odhayaa madaxwayne   doorashdiibay dadku kaa sugayaan. Taasna waxa ay ila tahay in aanu madaxweynuhu ka jawaabin.”

Eedaymahan ayaa noqonaya eedaymihii koowaad ee warbaahinta isku mariyaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyahah Baarlamaanka, ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani tan iyo intii ay xilka hayeen.

bandhige@gmail.com