Ciyaar saaxiibtinimo oo dhexmari lahay Biljimka iyo Isbayn oo la baajiyey

Xidhiidhada kubadda cagta Biljimka iyo Isbayn ayaa baajiyey ciyaar saaxiibtinimo oo dhexmari lahay labadan waddan taas oo ka dhici lahayd Brussels.

Baajitan ciyaartan ayaa imanaysa wakhtiga dacwad oogayaasha Faransiisku shaaciyeen magaca nin u dhashay Biljimka in uu ahaa ninkii abaabulay weeraradaas.

129 qof ayaa weeraradaas ka dhacay Faransiiska habeenkii jimcaha ku dhimatay, meelaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ahayd garoon ay kuwada ciyaarayeen ciyaar saaxiibtinimo  dalalka Jarmalka Iyo Faransiiska.

Dawladda Biljimka ayaa waxay sare u qaaday hawl-galada lagaga hortagayo argagixisada. Sidoo kale waxay sare u qaaday darajada halista ammaanka oo ay gaadhsiiyey darajada saddexaad oo sheegaysa suurto galnimada weeraro argagixiso oo ka dhici kara Biljimka.

Dhanka kale weeraradii Faransiisku waxay saamayn ku yeesheen qaxoontiga Suuriyaanka ee ku sii qulqulaya Yurub iyo Maraykanka oo qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Gobollada ayaa sheegay in ay diidi doonaan in qaxootiga Suuriya ay qaabilaan ka dib weeraradii Paris.

Sidoo kale ciidamada cirka Faransiiska ayaa waxay qaaday in ka badan 150 weerar guddaha Suuriyia ka dib weeraradii Paris oo ay sheegatay kooxda Daacish.

Isbayn Biljim

bandhige@gmail.com