Ciyaarihii gobollada dib baa loo dhigay

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Axmed Cabdi Kaahin “Casood” oo ay weheliyaan masuuliyiinta wasaaradda ayaa ku dhawaaqay in dib-u-dhac koobani ku yimid qabsoomidda guud ahaan tartanka ciyaaraha gobollada oo hore loo iclaamiyey inuu qabsoomayo 10-ka September.

Wasiirka Ciyaaruhu wuxu Isniintii la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta waxanu sheegay in dib-u-dhaca ku yimid ciyaaraha gobollada ay keeneen dhawr qodob, kuwaas oo sababay in muddo 10 cisho dib loo dhigo.

Wasiir Axmed Cabdi Kaahin ayaa sheegay in caqabadaha dib u riixay ay ugu horeyso codsi uga yimid labada gobol ee martigelinaya is reeb-reebka kubadda cagta kuwaas oo dalbaday in dib loogu dhigo muddo kooban si ay u dhammaystirtaan hawlaha qabyada ka ah.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku bilaabay:

“Waxaan maanta iskugu kiin yeedhay inaan idiin sheego waxaan markii hore qorshaha noogu jirin laakiin qadar Eebe ku yimid. Sidii aad hore ula socoteen waxaanu hore u sheegnay in ciyaaraha gobollada Somaliland ay qabsoomayaan 10-ka bishan, laakiin waxaa dib u dhigay codsi nooga yimid gobolladii martigelinayay.”

Wasiirka oo ka hadlaya dib-u-dhacan ku yimid ciyaaraha gobollada, xilliga la qabanayo iyo sababaha keenay ayaa dhawr qodob ku sababeeyay, waxaanay u dhignayd sidan:

1. Waxaanu dib u dhignay tartankii ciyaaraha gobollada qeybtiisii hore ee is reebreebka ee ku qabsoomayay magaalooyinka Borama iyo Burco, ka dib markii ay naga soo codsadeen gobolladaasi iyada oo aanay diyaar u ahayn kharashkii martigelintu.

2. Tartanka is reeb-reebku wuxuu qabsoomayaa 20-ka bishan September 2015, iyada oo muddadaa aanu dib u dhignay ay tahay keliya 10-cisho.

3. Tartanka qaybtiisa dambe ee ku qabsoomaya caasimadda Hargeysa waxba iskama beddelin muddadii uu bilaabmay oo ahayd 1-da October 2015.

Ugu dambayntii Wasiirka Ciyaaraha ayaa beeniyay inuu khilaaf ama dhaqaale la’aan dartii ay dib ugu dhigeen tartanka ciyaaraha gobollada, waxaana uu baaq u diray bulshadda reer Somaliland, waxaana uu yidhi:

“Waxaan idiin sheegayaa in haba yaraatee khilaafa aanu Wasaaradda ka jirin. Si fiican ayaanu u wada shaqaynaa dhammaan masuuliyiinta iga hoosaysa. Waxaa sidoo kale aan beeninayaa warar ay warbaahinta qaar qoreen oo sheeggaya in dhaqaalo la’aan ay dib u dhigayso tartankan, waa been taasi.”

Bandhige kala soco wixii hadba ka soo kordha ciyaaraha gobollada.

Bandhige@gmail.com