Cudurka Ebola ayaa waxa uu mar kale ka dilaacay Congo

 

Dowlada Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo ayaa ku dhawaaqday inuu dalkeeda mar kale ka dillaacay cudurka Ebola.

17 ruux oo dhawaan dalkaasi ku geeriyooday ayay dowladu sheegtay in looga shakiyay kiisas la xidhiidha caabuqa Ebola. Laba ka mid ah dadka dhintay ayaa la xaqiijiyay in uu cudurkani dilay,

Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa Salaasadii shalay sheegtay in Congo uu haleelay cudurka Ebola, sidaasi daraadeedna ay hal milyan oo doolar oo deg deg ah ku tabarucday si ay ugu caawiso gagrgaar deg deg ah.

WHO waxay sheegtay in shanti todobaad ee lasoo dhaafay laga helay dalkaasi kiisaska 21 ruux deegaanka Bikoro ee gobolka Equateur.

Marki ugu danbeysay ee uu cudurkani ka dillaacay Congo ayay aheyd sannadki 2017-kii. Waa marki sagaalaad oo uu cudurka Ebola ka dillaacayo aduunka tan iyo marki ugu horreysay ee la ogaado sannadkii 1976-kii.

bandhige@gmal.com