Cukuse wuxu shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ku sifeeyey mid dimuqraadi ah

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo maalintii Shirka Golaha Dhexe ka codeeyey Muuse Biixi isaga oo barbarfadhiya, ayaa ku tilmaamay in ay ahayd dimuqraadiyad.

Cukuse wuxu sheegay in xukuumaddu ay u kala codaysay Madaxweyne-Xigeen Saylici iyo Xaglotoosiye taasina ay muujinayso dimuqraadiyadda.

Cukuse wuxu codkii Madaxweynuu siiyey Saylici ku sifeeyey in uu ahaa codkiisii shaqsiyga ahaa ee dimuqraadiga ahaa ee uu xaqa u lahaa.

Cukuse oo Samaale u jawaabaya wuxu sheegay in aanay qurux badnayn in uu Samaale ka hadlo wixii shirkii Golaha Dhexe ka dhacay isaga oo shirka gabigiisaba qaaday.

Hoos ka daawo muuqaalka warbixinta Cukuse: