Daacish oo hubka kimikada ah ee wax gummaada u adeegsatay Suuriya iyo Ciraaq

Sarkaal Maraykan ah oo diiday in magaciisa la xuso ayaa daboolka ka rogay sir ay heleen sirdoonka Maraykanku oo muujinaysa in kooxda loo yaqaan ISIS ama Daacish ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq ay bilaabeen adeegsiga hubka kimikada ah ee wax gummaada, gaar ahaan nooca loo yaqaan “mustard” oo asal ahaan dhir laga sameeyo.

Sida ay tibaaxeen sirdoonka Maraykanku, kimikada ay Daacish isticmaashay waa budo ay raacinayaan madaafiicda iyo hoobiyayaasha, kadibna waxay si xun u gummaadaysaa ciddii ku sugan barta uu madfacoogu haleelo.

Ugu yaraan waxa hadda la xaqiijiyey in ay saddex jeer adeegsadeen, taas oo dadkii ay la heleen ay ku le’deen.

Su’aasha ugu muhiimsan ee la iswaydiinayaa waa halka ay kimikadan ka keeneen, maadaama ay u baahan tahay aqoon dheeraad ah, kharash iyo waayo-aragnimo.

Khuburo Maraykan ah oo baadhitaan ku samaysay waxay sheegayaan in ay laba arrimood midkood tahay, in ay ka heleen xerooyinkii Suuriya ee ay qabsadeen iyo in ay samaysteen koox aqoonyahanno ah oo kimida u samaysa. Waliba khuburradu waxa u badaniyaan tan dambe.

Haddii ay rumowdo in ay Daacish awood u yeesheen samaysiga hub kimiko ah waxa noqon doontaa khatar hor leh oo ku soo korodhay dagaalka ka socda Suuriya iyo qalalaasaha Ciraaq ee daba dheeraaday.

Il-wareed: bbcnews

Bandhige@gmail.co