Daacish oo sheegatay masuuliyadda weeraro ka dhacay Cadan

Ururka Daacish ayaa sheegtay masuuliiyadda weeraro is xig-xiga oo lala beegsaday xarumo dawladda Yaman ay degan oo ku jirto Hudheelka lagu magacaabo Qasr iyo fadhiisimadda ciidamada Sucuudigu hoggaamiyo.

Qoraal ay ku baahiyeen kooxda Daacish barta Internetka ay ku leeyihiin ayey ku sheegeen in ay qaadeen afar weerar oo ismiidaamin ah.

Dhinaca saraakiil ka tirsan ciidamada dawlada Yaman ayaa iyaguna sheegay in weeraradu ahaayeen qaar gantaalo lagu soo weeraray oo ay dawladdu ku eedaysay kooxda Xuutiyiinta.

Isutagta Imaraadka Carabta ayaa sheegay in weeraradii shalay ay ku dhinteen 15 askari oo iskugu ciidamada Yaman iyo isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo.

bandhige@gmail.com