Dagaalka ka soconaya Afgaanistaan ayaa sii xoogaysanaya iyadoo daalibaan ay la wareegtay gacan-ku-haynta magaalo madaxdii labaad ee gobollada Afgaanistaan.
Daalibaan waxay qabsatay magaalada Sheberghan iyadoo shalayna gacanta ku dhigtay Zaranj. Waa magaaladii labaad ee muhiim ah ee ay gacanta ku dhigaan intii ay gulufka cusub ku soo qaadeen xukuumadda Afgaanistaan oo tebaysa ciidamadii Maraykanka ee dhawaanahan laga daad-gureeyey waddankaas kadib markii ay halkaa ka dagaalamayeen soddon sanno.
Madaxweynaha Afgaanistaan ayaa sheegay in ay dhinacooda xoojiyeen dagaalka ay ku hayaan kooxdan, isla markaana aanay u oggolaan doonin in ay waddanka xukunkiisa la wareegaan.
Daalibaan ayaa hore u qabsatay tuulooyin daadsan xuduudaha ay Afgaanistaan la wadaagto waddamo dhawr ah iyagoo haatana u soo dhaqaaqay dhinacaas iyo magaalooyinka waaweyn.
Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga Ah
Bandhige@gmail.com